Hanti Dhowrka Qaranka oo Ka Jawaabay Eedeymo Kaga Yimid Madaxda Dowlad Doboleedyada.

0
Tuesday September 11, 2018 - 22:55:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti Dhowrka Qaranka oo Ka Jawaabay Eedeymo Kaga Yimid Madaxda Dowlad Doboleedyada.

    Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay ka madax banaan yihiin lamaha kala duwan ee dowladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka, iyagoo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay ka madax banaan yihiin lamaha kala duwan ee dowladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka, iyagoo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.


War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ayaa lagu sheegay in war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada inuu tuhun geliyay madax banaanida iyo dhex dhexaadnimada Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu ku casuumayo cid kasta oo mas’uul ah oo raba inuu warbixin dheeraad ah ka helo Xafiiska Hanti dhowrka, isla markaana albaabadiisa u furan yihiin.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa war murtiyeedkooda ka soo baxay shirkii ay ku yeesheen Kismaayo waxay si cad u sheegeen in la siyaasadeeyay hey’adihii madaxa banaanaa sida Garsoorka, Hanti dhowrka Guud iyo Amniga.

Halkan Hoose ka akhriso War saxaafadeedka






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip