Dowlad Gobaleedka Puntland oo Ka Hadashay Xoolo uu Soo Celiyay Sacuudiga.

0
Friday August 10, 2018 - 09:07:17 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Gobaleedka Puntland oo Ka Hadashay Xoolo uu Soo Celiyay Sacuudiga.

    Sacuudiga ayaa dib u soo celiyay xoolo ka dhoofay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana xoolahaasi lahaa Ganacsato ka soo jeeda degaanada Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sacuudiga ayaa dib u soo celiyay xoolo ka dhoofay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana xoolahaasi lahaa Ganacsato ka soo jeeda degaanada Puntland.


Markabka oo lagu magacabo Alafa ayaa waxa uu siday xoolo gaaraya 28,000 neef oo Arri ah, iyada oo arrintan ay war ka soo saartay Puntland.

Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha maamulka Puntland C/laahi Sheekh Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay Arrigan inuu ahaa kuwii loogu tala galay Ciidul Adxaa.

Wuxuu sheegay sida ay maqleen xoolahan in laga helay cudur, sidaasi darteedna loo soo celiyay, waxaana Markabkan berri uu ku xiranayaa Dekada magaalada Boosaaso.

"Waa Markab la soo celiyay, weli runtii ma imaan, maalin dhaweyd ayaan ku rarnay xoolahaas oo dhammaantood ah Arri, waxaa la soo sheegayaa in laga helay cudur, annaguna waxaan aamin sanahay inaanu jirin warkaasi, berri ayay na soo gaarayaan.” Ayuu yiri Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Puntland.

Dowladda Sacuudiga wali kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u soo celinta xoolahan nool ee ganacsatada Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Soomaaliya la safatay dalka Sacuudiga oo xurguf diblomaasiyadeed ay soo kala dhex gashay iyaga iyo Canada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip