Shaqaale Ka Tirsan Hay'adda Bisha Cas oo Lagu Afduubtay Duleedka Baydhabo.

0
Thursday August 09, 2018 - 20:50:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale Ka Tirsan Hay'adda Bisha Cas oo Lagu Afduubtay Duleedka Baydhabo.

    Dabley hubeysan ayaa shaqaale ka tirsan Hay'adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay gelinkii dambe ee maanta ka afduubteen meel y dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle sida ay sheegayaan wararka gobolka Bay naga soo gaaraya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubeysan ayaa shaqaale ka tirsan Hay'adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay gelinkii dambe ee maanta ka afduubteen meel y dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle sida ay sheegayaan wararka gobolka Bay naga soo gaaraya.


Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa sheegay afduubkan inay tuhmayaan dagaalyahanada Al Shabaab iney ka dambeeyeen

Shaqaalahan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay illaa shan qof oo saddex ka mid ah ay yihiin haween, halka labada kalena ay yihiin Rag, wuxuuna afduubkooda si gaar ah uga dhacay meel ku dhow Tuulada Busley oo qiyaastii 25km u jirta magaalada Baydhabo, waxayna ku sii jeedeen degaanka Awdiinle oo oo ay ugu socdeen hawlo shaqo, sida ay sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Halka uu afduubka ka dhacay kuma sugna ciidan dowladeed iyo Shabaab toona, balse sida la sheegay Al Shabaab waxa ay doonaan ayay halkaasi ka sameyn karaan, iyaga oo ku yimaada qaab qarsoodi ah, sida ay ku warameen dadka degaanka.

Saraakiil u hadashay Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo badbaadiyaan shaqaalahan rayidka ah ee afduubka loo geystey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip