Taliyaha Asluubta "Ciidan aan Boolis Aheyn Kama Hawlgeli Karaan Muqdisho"

0
Thursday August 09, 2018 - 18:49:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Asluubta "Ciidan aan Boolis Aheyn Kama Hawlgeli Karaan Muqdisho"

    Kulan looga hadlay wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac &q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan looga hadlay wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana kasoo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac "Keynaan", Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed "Ameeriko", Saraakiil ka socday AMISOM, Taliyeyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha kala ee duwan C.B.S.


Kulankaasi, ayaa aad waxaa looga hadlay sida ay wada shaqeyn karaan Bulshadda iyo Booliska, waxaana Saraakiil ka hadashay kulanka ay soo jeediyeen Talooyin iyo aragtiyo kala duwan, waxaana ay sheegeyn in Booliska uusan shaqeyn Karin kaligiis, haddii uusan helin la shaqeyn iyo garab istaag ka imaanayo Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed "Ameeriko”, ayaa kulankaasi ka sheegay Muhiimadda ay leedahahay in Bulshadda inay la shaqeeyaan Booliska, isaggoo tilmaamay in xoogga ay saari doonaan siddii Shacabka ay u kasban lahaayeen.

 Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay qorshaha inuu yahay in Guddiga amniga ay fariistaan, lana go’aamiyo dhammaan shaqooyinka amniga magaalada Muqdisho in lagu wareejiyo Ciidamada Booliska.

Hadalkan ayaa Gen. Bashiir wuxuu ka sheegay Barnaamij loogu magac daray baro Booliis-kaaga, kaasi oo looga hadlayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Booliska iyo shacabka  Muqdisho.

Wuxuu sheegay Taliyaha Asluubta in magaalada gudaheeda ay mamnuuc ka tahay ciidan aan Boolis aheyn oo ka shaqeynaya, hadii uusan u yeeran Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed.

Sidoo kale Gen. Bashiir Goobe ayaa sheegay inay muhiim tahay in shaqada magaalada lagu aamino ciidamada Booliska, islamarkaana ciidamada kale looga baahan yahay inay garab ku siiyaan shaqada.

"Guddiga amniga qaranka inta fariisto, lana go’aamiyo dhammaan shaqooyinka magaalada in lagu wareejiyo Ciidamada Booliska ayuu qorshaha yahay, magaalada gudaheeda waxaa mamnuuc ka ah ciidan aan Boolis aheyn oo ka shaqeynaya, hadii uusan u yeeran Taliyaha Ciidanka Booliska, shaqada magaalada waa in lagu aaminaa Booliska.” Ayuu yiri Taliye Bashiir Maxamed Jaamac.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa ka shaqeeya ciidanka loogu magac daray Boolis Millataria, kuwaasi oo dhawaan la hawlgeliyay, kadib markii la xareeyay ciidankii xasilinta ee sugi jiray ammaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip