Shan Askari oo Ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Lamu.

0
Wednesday August 08, 2018 - 22:10:32 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Askari oo Ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Lamu.

    Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino oo arbacadii maanta ka dhacay Gobolka Lamu ee gudaha Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino oo arbacadii maanta ka dhacay Gobolka Lamu ee gudaha Kenya.


Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari kuwa ciidamada xambaara ah oo ka yimid deegaanka Baragooni, kuna socday Bodhei ee Gobolka Lamu.

Warbaahinta Kenya ayaa soo warinaya in qaraxan uu ahaa mid culus ay sidoo kale ku dhaawacmeen illaa lix askari.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Gobolka Lamu, ayna ku dileen illaa sagaal askari, halka 11 kalena ku dhaawaceen.

Keymaha Boni ayaa todobaadyadii u dambeeyay waxaa ka dhacayay weeraro Al-Shabaab la beegsanayeen Ciidamada Kenya, waxaana keymaha fog ee Boni la sheegay inay ku dhuumaaleystaan dagaalyahanada Shabaabka ee asalkooda yahay Kenyanka.

Ciidamada Kenya ayaa Keymaha Boni ka wada howl gal ay ugu magac dartay "Operation Linda Boni” si uu uga hortago dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ku leedahay aaggagaas oo ah goobo keymo ah oo lagu dhuumaaleysan karo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip