Al Shabaab oo War Kasoo Saartay Dil Loo Geestay Maareeye Ku-xigeenkii Shirkadda GOLIS.

0
Wednesday August 08, 2018 - 18:55:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo War Kasoo Saartay Dil Loo Geestay Maareeye Ku-xigeenkii Shirkadda GOLIS.

    Allaha u naxariistee Kooxo hubeesan oo heebtooda la garan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay ku dileen Cabdullaahi Cali Cumar oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee Kooxo hubeesan oo heebtooda la garan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay ku dileen Cabdullaahi Cali Cumar oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis .


Lama oga ilaa hada cida ka dambeysay dilka loo geestay Cabdullaahi Cali Cumar oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaanada Puntland, waxaana baxsaday ragii dilkan ka dambeeyay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey isaga fogeeyeen in iyagu ka dambeeyeen dilka ganacsadahan xalay loogu geestay magaalada Boosaaso, waxa ayna AL-Shabaab sheegeen in dagaalyahanadooda aysan wax lug ah ku laheyn dilkaasi.

"Waan Maqalnay Falka dilka ah ee xalay ka dhacay Boosaaso ee loo geystay mid kamid ah ganacsatada gobolka , mana jiro wax lug ah oo ciidamadeenu ku leeyihiin dilkaas” ayuu yiri sarkaal katirsan Shabaabka ka dagaalama Buuraha Galgala.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheesan oo lee geesto ganacsatada, waxgaradka iyo masuuliyiin katirsam maamulka Puntland, waxaana inta badan baxsada kooxaha dilalkaasi geesta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip