Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya oo Digniin Adag Loo Diray.

0
Thursday July 12, 2018 - 09:38:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya oo Digniin Adag Loo Diray.

    Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beyleh ayaa digniin adag hawada u mariyay Shaqaalaha Rayidka ee dowlada Soomaaliya ee aan soo xaadirin shaqadooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beyleh ayaa digniin adag hawada u mariyay Shaqaalaha Rayidka ee dowlada Soomaaliya ee aan soo xaadirin shaqadooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, waxa uuna tilmaamay in il gaar ah lagu hayo shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha ay ka shaqeeyaan.

Waxa uu Wasiirka u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata, wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doonaan dadka aan shaqeyn ee hadana u qoran.

Wasiirka Maaliyada ayaa cadeeyay in mushaar la siinayo oo uu xaq u leeyahay qofkii u shaqeeya dowladda ee soo xaadira waqtigii loogu tala galay, kuna baxa waqtiga shaqada laga tagayo.

Dr Beyleh ayaa kula taliyay shaqaalaha safraya ama kuwa xanuunsan in looga baahan yahay in ay la socodsiiyaan madaxda iyaga ka sareysa, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin cudur daar aan rasmi aheyn.

"Dadka Soomaaliyeed waxaan isku raacsanahay qofkii shaqeeya ee soo dhidhida xaqiisa inuu helo, laakin qof aan shaqeysan inaan mushaar siino waa cadaalad daro, waxba yuusan kuu soo war wareegin oo aanu xildhibaano kuusoo kaxeysan, ma qaadan doontid mushaar hadii aadan si sax ah u shaqeyn.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowlada Mushaarka ka qaata aysan xaadirin shaqooyinka ayna ka shaqeestaan goobo kale halka qaar kalana aysanba dalka joogin mushaarna qaataan iyaga oo maqan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxa ay dib u habeyn ku sameyneysay mushaaraadka shaqaalaha iyo hubinta dadka dowladda shaqaale ahaanta ugu diiwaangasahan ee aan shaqaynin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip