Galmudug Iyo QM Oo Ka Wada Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Bariga Gobolka Mudug -Sawirro

0
Thursday July 12, 2018 - 08:27:49 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug Iyo QM Oo Ka Wada Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Bariga Gobolka Mudug -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxa uu kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxa uu kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen  Dagaalada kasoo cusboonaaday Bariga Gobolka Mudug oo u dhaxeya Al-Shabaab iyo dad Shacab ah,kuwas oo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu u gurmaday Dadka Shacabka ah ee dhibaatada lagu hayo hadana ay diyaar u yihiin in ay Dagaal toos ah la galaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan shacabka degga Deegaanada Bariga Gobolka Mudug si looga guuleystana ay u baahan yihiin caawimaad si ay Al-Shabaab uga saaraan deegaanada ay ka maamulaan Galmudug.


Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii xal waara looga gaari alhaa khilaafka yar ee soo kala dhex galay Madaxda Galmudug,iyo in laga wada Shaqeeyo horumarinta deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in Maamulkiisu diyaar u yahay In uu xaliyo cid walba oo cabasha qabta,islamarkaana ugu baaqay in cidii cabasha qabta timaado Caasimada Maamulka si loo xaliyo Cabashadaas.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip