Cali Guudlaawe Oo Amray in Gacanta Lagu Soo Dhigo Rag Kufsi U Geystay Haweeney 85 Jirka Ah.

0
Thursday July 12, 2018 - 08:07:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guudlaawe Oo Amray in Gacanta Lagu Soo Dhigo Rag Kufsi U Geystay Haweeney 85 Jirka Ah.

    Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlawe oo ka warbixiyay safarkii ay ku maaqnaayeen ayaa intaasi kadib waxa uu amar ku bixiyay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana sharciga horkeenaan dadkii ka dambeeyay fal kufsi ah oo loogu geystey mid kamid ah xeryaha barakacayaasha magaalada Jowhar haweeney 85 sano jir ah.

"Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan ciddii gacan ka geysata sidii loo soo heli lahaa dadkii ka dambeeyay falka kufsiga ah oo aan hore loogaga baran gobolka Shabeellaha Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
 
Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Booliska Hirshabeelle maalmo kahor waxay soo bandhigeen Saddex nin oo la tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen falka kufsiga ah, balse cadeymo rasmi ah laguma hayo.


Wariyeyaasha ku sugan magaalada Jowhar ayaa maqal iyo muuqaal ahaan u baahiyay dhibaatada lagula kacay Haweeneyda Da’da ah, intaasi kadib warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle ayaa waxaa wariyeyaasha looga digay inay baahiyaan wararka xasarada abuuri kara iyaga oo aanan fasax ka heysan Hirshabeelle.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip