Madaxweynaha oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay, Kaddib Ka Qeyb Galkii Caleema Saarka Erdogan -Sawirro

0
Wednesday July 11, 2018 - 18:38:55 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay, Kaddib Ka Qeyb Galkii Caleema Saarka Erdogan -Sawirro

    Wafdi uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safar ku tagay dalalka Jabuuti iyo Turkiga ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.


Waxaa sidoo kale uu ka qeyb galay furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan oo dhowaan dib loogu doortay xilka madaxweynaha dalkaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip