Caruur u Kalaheysay Dugsi Quraan oo Gaari Ku Jiiray Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

0
Wednesday July 11, 2018 - 09:34:27 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caruur u Kalaheysay Dugsi Quraan oo Gaari Ku Jiiray Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

    Ugu yaraan laba caruur ah ayaa geeriyootay, laba kalena way dhaawacmeen, ka dib markii gaari nuuca raaxada ah lagu jiirsiiyay wadada unicef ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada ansalooti degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan laba caruur ah ayaa geeriyootay, laba kalena way dhaawacmeen, ka dib markii gaari nuuca raaxada ah lagu jiirsiiyay wadada unicef ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada ansalooti degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay gaariga caruurtan dilay inuu ka yimid dhanka Ceel-gaabta markii uu marayayna aagga unicef uu mar qura si ulakac ah u jiray caruurtan oo taagnaa wadada dhinaceeda.

Caruurtan oo ay Da’dooda u dhaxeysay 14 ilaa 9 sano jir ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen inay u socdeen xilligaasi Dugsi Qur’aan.

Taliyaha Booliska degmada Waaberi Jen. Xabad oo tagay goobta uu shilkan ka dhacay ayaa sheegay dadka gaariga saarnaa ee shilkan geystay inay ahaayeen afar qof oo laba ka mid ah ay dumar yihiin.


Wuxuu intaa ku daray inuu baxsaday Darawalkii gaariga waday balse ay gacanta ku dhigeen raggan kale ee gaariga la socday, wuxuuna intaas raaciyay baaritaan ay sameeyeen kadib inay ku ogaadeen dhalinyarada gaariga la socotay iyo darawalkaba ay isticmaaleen Maandooriye.

Booliska Soomaaliya ayaa dadka shilkan geystay u kaxeeyay xarunta Dambi baarista ee CID-da, waxayna weli ku daba jiraan Darawalkii gaariga waday oo baxsad ah.

Dadweyne aad u fara badan oo ay ka mid yihiin ehelada caruurta gaariga la jiirsiiyay ayaa isugu yimid goobta uu shilka ka dhacay, iyagoo goobaha caafimaadka kula cararayay dhaawacyada caruurtan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip