Al-Shabaab oo Markii ugu Horreysay War Kasoo Saartay Heshiiskii Dekedaha ee Somalia iyo Itoobiya.

0
Wednesday July 11, 2018 - 08:03:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Markii ugu Horreysay War Kasoo Saartay Heshiiskii Dekedaha ee Somalia iyo Itoobiya.

    Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan dhexmaray dowladaha Somalia iyo Itoobiya kaasoo dhigayey in Itoobiya ay maalgeshi ku sameyso afar ka mid ah dekedaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan dhexmaray dowladaha Somalia iyo Itoobiya kaasoo dhigayey in Itoobiya ay maalgeshi ku sameyso afar ka mid ah dekedaha Soomaaliya.

Mahad Warsame Abu-C/raxmaan (Mahad Karate) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Al-Shabaab ayaa uu siiyay Idaacada Andalus ee ku hadasha al-shabaab wuxuu sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo dekedaha Soomaaliyeed uu yahay qayb ka mid ah damacii Itoobiya ee ahaa inay Soomaaliya oo dhan qabsato.

Mahad Karate ayaa ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo badan Itoobiya dagaallo lagu hoobtay kula jireen si ay iskaga caabiyaan damaceeda gurracan ee ah in ay dhulka Soomaaliyeed wada qabsato sida uu yiri.


"Jihaadka dadkii naga horreeyay ay la galeen Xabashida Itoobiya, ee khalqiga aan yarayn ee Muslimiin ah ay ku shahiideen oo uu ku jiro Hogaamiyihii Muslimiinta Axmad Gurey, Malaayiin gaalo ahna lagu laayay, waxaasoo halgan ah waxa loo soo galay waxay aheyd in Diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah lagu difaaco, Damaca gurracan ee Gaaladaas xabashidana la iskaga caabiyo” ayuu yiri Mahad.

Waxaa uu hadalkiisasii raaciyay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii Abiy Axmad ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe deggan oo ay qasab tahay in hogaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan.

Sheekh Mahad ayaa sheegay in Itoobiya ay in muddo ah si hoose ugu hawlaneed qorshaha la wareegitaanka dekedaha, isla markaana ay jirto waddo lagasoo bixiyay gudaha Itoobiya lana doonayay in lasoo geliyo dekeda Hobyo oo ka mid ah dekedaha Itoobiya lagu wareejiyay, balse ay kooxdiisu ka hortageen oo lagu joojiyay nawaaxiga Magaalada, taasoo keentay buu yiri in Itoobiya ay maleeshiyaad ku aruuriyaan Dhuusamareeb si ay wadadaas xoog ugu furaan.

Dhnaca kale, Masuulkan ka tirsan hoggaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa ka digay halista ay leeyihiin madaxda Soomaalida ah ee baasaboorada shisheeyaha wata oo ku eedeeyey iney  shaqo ka dhigteen sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed Itoobiya oo Kenyaatiga uga iibsan lahaayeen.

"Farmaajo,oo ah nin Maraykan ah, kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed way iibsanayaan, markii xilligoodu dhamaadana wadamadii ay ka yimaadeen ayay dib ugu laabanayaan, haddii aysan dadka Soomaaliyeed baraarugin caasimada Itoobiya waxaa laga dhigi doonaa Muqdisho sida caasimada Yuhuuda looga dhigay Magaalada xoogga lagu haysto ee Al-Qudus” ayuu yiri Mahad Karate.

Mahad Warsame ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan marnaba aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya, ayna difaaci doonaan Diinta, Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mahad Karate ayaan looga baran inuu ka hadlo warbaahinta, wuxuuna hadalkiisa ku soo aadayaa xili dhowaan dowlada Somalia ay shaacisay inuu geeriyooday amiirkii kooxda al-shabaab Abuu Cubeyda inkastoo Al-shabaab ay warkaas beenisay, waxaana Mahad Karate uu ka mid yahay saraakiisha al-shabaab ee ku loolamaya  hogaamka kooxdaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip