Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Daahfuray Hanaanka Gal-dacwadeedka Electarooniga -Sawirro

0
Tuesday July 10, 2018 - 18:48:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Daahfuray Hanaanka Gal-dacwadeedka Electarooniga -Sawirro

    Maxkamadaha ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in hanaanka gal-dacwadeedka si Electarooniga ah loogu bedelo habkii hore ee la isticmaali jirey ee galalka xaashiyaha ka sameysan dacwadaha lagu keydinayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadaha ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in hanaanka gal-dacwadeedka si Electarooniga ah loogu bedelo habkii hore ee la isticmaali jirey ee galalka xaashiyaha ka sameysan dacwadaha lagu keydinayay.


Habkan cusub oo lagu keydinayo ee Electarooniga ah ayaa la qorsheeyay in si rasmi ah uu ugaga dhaqangalo maxkamadaha Muqdisho maalinta Arbacada ah ee 11ka bisha July 2018, waxaana iska kaashanaya Wasaaradda Cadaaladda, Maxkamadda sare, Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadda gobolka Banaadir.

Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay in habkaan uu sahlayo in Gal-dacwadeedka uusan lumin laguna keydin doono xogta dacwad qabaha iyo kan laga soo dacwooday.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid xaqiijinaya  inaan la waayin dacwadaha maxkamadaha ay u soo qortaan dadweynaha.

Waxana uu intaa ku daray Wasiirka Caddaalada in Barnaamijka hanaanka Electarooniga uu sahli doono in Macluumaadka loo keydiyo si casri ah, isla markaana aysan dhicin in la waayo Gal-dacwadeed ama ay si sahlan ku lunto xog.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Baashi Yuusuf Axmed oo ka hadlay faa’idooyinka uu leeyahay habkaan cusub ayaa waxa uu sheegay in uu ka qeybqaadan doono in hay’adaha garsoorka ay ku shaqeeyaan si cadaalad ah, Shuruucda muhiimka u ah garsoorkana ay u fududeeyaan iyo in ay lumaan xogog dad kale ay la haayeen.

Dhaqan gelinta  hanaanka gal-dacwadeedka  Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir Ayaa sahli doona waxyaabo badan oo ay kamid yihiin keydinta iyo xifdinta galalka iyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dacwadaha.

Nidaamka Galdacwadeedka ee loo badalayo qaab Electarooni ah ayaa ah markii ugu horeysay ee laga hirgeliyo dalka Soomaaliya waxaana tan iyo markii dalka Soomaaliya laga hirgeliyay maxkamadaha loo isticmaali jirey dacwadaha qoraalo xaashiyo ah.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip