Madaxweynaha Turkiga oo Wiil uu Soddog u Yahay u Magacaabay Wasiirka Maaliyada.

0
Tuesday July 10, 2018 - 18:15:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo Wiil uu Soddog u Yahay u Magacaabay Wasiirka Maaliyada.

    Madaxweynaha Turiga Erdogan oo ku dhowaaqay golihiisa wasiirada cusub ayaa u magacaabay Beraat Albayrak oo ah wiil uu soddog u yahay Wasiirka Maaliyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Turiga Erdogan oo ku dhowaaqay golihiisa wasiirada cusub ayaa u magacaabay Beraat Albayrak oo ah wiil uu soddog u yahay Wasiirka Maaliyada.


Golihiisa wasiirada ayaan laga bedelin xilalkooda  Wasiirada Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu iyo  Wasiirka Arrimaha Gudaha  Suleyman Soylu.

Madaxda kale ee xilalka loo  magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Ku xigeen Fuat Oktay halka wasiirada kale ay kamid yihiin hogaamiyaasha ururada aan dowliga ahayn,ganacsato iyo lataliyaal hore.

"Turkiga waxa uu  horumarin doonaa  dhinac walba sida dimuqraadiyada,xuquuqda aasaasiga ah,xoriyada,dhaqaalaha iyo maalgelinada.”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo qudbad ka jeedinayay munaasabbada lagu caleema saarayay oo ka dhacday magaalada Ankara.

Erdogan ayaa loo dhaariyay markale madaxtinimada dalka Turkiga kadib markii uu ku guuleystey doorashada guud ee ka dhacday dhowaan dalka Turkiga.

Munaasabada lagu caleema saarayay Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa waxaa madaxdii ka qeybgashay ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha  Ruushka Dmitry Medvedev, Nicolas Maduro Madaxweynaha  Venezuela iyo Amiirka Qadar  Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Dalka Turkiga oo isbedel lagu sameeyay qaabkiisa awooda ayaa Madaxweynaha 64ta sano jirka ah waxa uu awood u leeyahay  inuu kala diri karo baarlamaanka,soo saari karo wareegtooyin isla markaana soo rogi kara Amar Deg-deg ah,iyadoo dowlada cusub uusan lahayn Ra’iisul Wasaare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip