Taliyaha Hogaanka Howl-galinta CXD oo Booqday Degaanadii Al-shabaab Laga Xureeyay ee Jubbooyinka -Sawirro

0
Tuesday June 12, 2018 - 08:02:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Hogaanka Howl-galinta CXD oo Booqday Degaanadii Al-shabaab Laga Xureeyay ee Jubbooyinka -Sawirro

    Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga xureeyay Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqday Deegaanada Jubboyinka ee dhawaan laga xureeyay Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa booqday deegaanada kala ah Baar-sanguuni,kaban iyo Tuulo hoos tagta Degmada jamaame, iyagoona u kuur galay Amniga deegaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid  ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka ay ka xureeyeen Nabadiidka Al-shabaab.

General Maxamed  Sheekh Madoowe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Nabadiidka Al-shabaab.


Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip