Khasaare Naf iyo Maal Ah Ka Dhashay Doon Ku Rogmatay Wabiga Shabeelle.

0
Tuesday June 12, 2018 - 07:53:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare Naf iyo Maal Ah Ka Dhashay Doon Ku Rogmatay Wabiga Shabeelle.

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon ay saarnaayeen ku dhawaad 20 qof oo xalay fiidkii rogmatay biyaha Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon ay saarnaayeen ku dhawaad 20 qof oo xalay fiidkii rogmatay biyaha Wabiga Shabeelle ee mara gobolka Shabeellaha Hoose.

Doontan ayaa ku sii jeeday degmooyinika Janaale, Qoryooley, iyo deegaano kale oo uu ka mid yahay Daanyeerey, waxaana ay shalay gelinkii dambe ka baxday degmada Afgooye.

Qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Doontan in ay raashiin u siday nin ganacsade ah, waxaana ay ku degtay deegaanka Raqeyle oo ku dhaw degaanka Bariire oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sababta dadkan ay Doonta u raaceen ayaa waxa ay ku sheegeen in ay tahay wadooyinka gobolka oo qaarkood ay jareen ciidanka dowladda iyo Shabaab, bacdamaa halkaasi dhawr mar ay ka dhaceen weeraro.


Sidoo kale qofka  ka mid ah dadka degaanka ayaa waxa uu sheegay Doontan in ay saarnaayeen 20 qof, halkaasina ay ku geeryoodeen 7 qof oo kala ahaa Hooyo, Afar caruur ah oo ay dhashay iyo laba qof oo kale, intii kalena ay soo badbaadeen.

"Doonta waxay ka baxday degmada Afgooye, waxayna ku sii jeeday degmooyin ka tirsaqn gobolka Shabeellaha Hoose, Doonta waxay ku degtay degaanka Daanyeerey oo ku dhaw Bariire, waxay sidey Raashiin oo uu lahaa nin ganacsade ah, waxaana ku dhintay Hooyo Afar caruur ah oo ay dhashay iyo laba qof oo kale.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip