Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida -Sawirro

0
Tuesday June 12, 2018 - 07:30:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii  wax loogaga qaban lahaa ammaanka deegaanada uu ka kooban yahay dowlada goboleedka Hirshabelle oo qaar ka mid ah ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab iyo sidii dhulkaas loogaga xoreyn lahaa Al-shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saraakiishan ugaga warbixiyay xaalada ammaan ee dowlad goboleedka Hirshabelle isagoo soo hadal qaaday qorshaha uu ku doonayo in la isku furo iyo waxana uu Madaxweynuhu kala hadlay saraakiishan doorka kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in waaya aragnimadooda dhinaca ciidamada ay ku biiriyaan dadaalada Madaxweyne Waare uu wado ee ah Xoreynta deegaanada Hirshabelle.


Kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo sidii looga dulqaadi lahaa deegaanada kooxaha argagaxisada ay kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha uu Madaxweynuhu la kulmay ay muujiyeen sida ay u garab taaganyihiin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ugaga faa’ideyaan Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa gabagabadii kulankan waxa uu ugaga mahadceliyay saraakiisha uu la kulmay sida dareenka leh ay u muujiyeen waaya aragnimadooda iyo sida diyaarka ay u yihiin in ay la shaqeeyaan maamulka Hirshabelle, isagoo xusay in kulamada noocaan ah uu sii wadayo islamarkaana ay iska wareysan doonaan saraakiisha kale dhinaca ammaanka maadaama ay muhiim u tahay In laga faa’ideysto waaya-aragnimadooda.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii la doortay waqtigiisa ugu badan galiyay dhinacyada ammaanka iyo sidoo la isugu furi lahaa wadooyinka xiran, waxana uu hore kulamo dhinaca amniga ah ula yeeshay saraakiisha ugu sareysa Amisom, Iyo Ciidamada Qalabka Sida, waxaana heer gaba gaba ah maraya fulinta howlgal culus oo lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo  qaarkood hadaba ay ka socdaan Deegaannada Hirshabelle kuwaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dadka deegaanka.














Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip