Talyaaniga oo Dekadihiisa Ka Xirtay Markab Xeebaha Liibiya Ka Soo Badbaadiyay Muhaajiriin -Sawirro.

0
Monday June 11, 2018 - 10:12:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo Dekadihiisa Ka Xirtay Markab Xeebaha Liibiya Ka Soo Badbaadiyay Muhaajiriin -Sawirro.

    Dowladda Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xirto Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Talyaaniga ayaa diiday Markab soo badbaadiyay muhaajiriin inuu ku soo xirto Dekedaha dalkiisa, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay ee Talyaaniga ku hor-istaago qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalka Libiya.


Markab laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa xeebaha Libiya ka soo badbaadiyay illaa 600 oo muhaajiriin ah, kuwaasoo doon ay saarnaayeen ay badda dhexdeeda ku jabtay.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Talyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markabka soo badbaadiyay muhaajiriinta inuu ku soo xirto dekedaha ay ka soo dagayeen muhaajiriinta sanadihii u dambeeyay.

Mr Salvini ayaa ka dalbaday maamulka Jaziiradda Malta in markabkaas ku soo xirto Valletta oo ah Caasimadda Malta.

Hase ahaatee Xukuumadda Malta ayaa sheegtay in muhaajiriinta la soo badbaadiyay laga soo qaaday biyaha dalka Libiya, isla markaana ay sharciyan hoos-imaanayaan dalka Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa marin u aheyd Tahriibayaasha ka imaanayay dalalka Afrika, kuwaasoo Talyaaniga uga sii gudbayay dalalka kale ee Yurub, waxaana sanadkan kaliya gaaray muhaajiriin lagu qiyaasay 33,000.

A charity rescue vessel with 629 rescued migrants on board is being refused a port after the new Italian Interior Minister Matteo Salvini refused them. Credit: MSF / SOS Mediterranee

Italy's new interior minister Matteo Salvini on Sunday said Malta cannot continue


Italy's new interior minister Matteo Salvini on Sunday said Malta cannot continue

Italy's new interior minister Matteo Salvini on Sunday said Malta cannot continue



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip