Askari Caawa Lagu Diley Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

0
Wednesday June 06, 2018 - 22:30:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Caawa Lagu Diley Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellah Dhexe.

    Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Qalinle ayaa caawa fiidkii waxaa lagu dilay gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Qalinle ayaa caawa fiidkii waxaa lagu dilay gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa askariga ka beegsaday qeybta sare ee jirkiisa, xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaalla degmada Balcad, waxaana uu ku geeryooday isla goobta.

Dableyda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Askariga la dilay ayaa waxa uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee ku jira xerada Balidoogle, balse waxa uu degmada Balcad u tagay sidii uu ula ciideysan lahaa qoyskiisa.


"Walaal caawa fiidkii ayaan mar qura maqalnay rasaas, inyar kadib waxaan maqalnay in jidka jaayga ah ee ka baxa degmada Balcad ee aada dhanka degmada Afgooye lagu dilay askari ka tirsanaa dowladda, wuxuu Balcad u yimid sidii uu ula ciideysan labaa qoyskiisa, raggii dilka geystay way baxsadeen.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug iyo Taliyaha saldhigga ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay Hay’adaha ammaanka fareen in ay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip