Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay Qaraxyadii Xalay Laga Maqlay Muqdisho.

0
Thursday May 17, 2018 - 07:30:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay Qaraxyadii Xalay Laga Maqlay Muqdisho.

    Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhawaqyadii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho in ay ahaayeen baco lagu shubay baaruuda qaraxda, oo ah kuwa macmal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhawaqyadii xalay laga maqlay magaalada Muqdisho in ay ahaayeen baco lagu shubay baaruuda qaraxda, oo ah kuwa macmal ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Boondheere ayaa la sheegay inay madaafiicda ku dhaceen.

Wasiir Islow ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda.
 
Ciidanka ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyay bishan Ramadaan oo xalay bilaabatay, maadaama laga cabsi qabo in Shabaab ay magaalada gudaheeda ka geystaan weeraro.


Jahwareer ayaa ka taagan Magaalada gudaheeda iyo cabsi xooggan oo ay dareemayaan dadka magaalada ku nool, waxaana dadka qaar ay xalay ku xaadireen guryahooda goor sii horeysay.

Ciidamada Amaanka oo garab xoogan ka helaya Shacabka Magaalada muqdisho ayaa si adag u adkeeyay Amniga Caasimada, iyadoo Madaxda Qarankana ay Ciidamada dhowr jeer ugu tageen baraha koon-torool ee magaalada iyo daafaheeda taasoo lagu dhiira-galinayay Geesiyaasha habeen iyo maalin u taagan Difaaca Shacabka Soomaaliyeed.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip