Wararkii ugu Dambeeyay Madaafiic Caawa Laga Maqlay Magaalada Muqdisho.

0
Wednesday May 16, 2018 - 21:37:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Dambeeyay Madaafiic Caawa Laga Maqlay Magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo fiidnimadii caawa ku soo dhacay degmooyinka qaar ee ka tirsan gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo fiidnimadii caawa ku soo dhacay degmooyinka qaar ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Dadka reer Muqdisho ayaa si wayn u maqlay madaafiicda magaalada ku soo dhacday, degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Xamar Weyne, Xamar Jajab iyo Boondheere ayaa la sheegay inay madaafiicda ku dhaceen.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ciidanka ammaanka ay tageen dhawr goobood oo ay jugta ku soo dhacday, waxayna tilmaameen waxa dhacay in ay ahaayeen kuwo macmal ah.

Waxay kaloo saraakiishu sheegeen in aysan jirin ilaa hadda cid wax ku noqotay madaafiicda caawa laga maqlay magaalada gudaheeda, iyaga oo sidoo kale tilmaamay inay ku daba jiraan ragga falkan ka dambeeyay.


Jahwareer ayaa ka taagan Magaalada gudaheeda iyo cabsi xooggan oo ay dareemayaan dadka magaalada ku nool, waxaana dadka qaar ay ku xaadireen guryahooda goor sii horeysay oo caawa ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa qaba fikirka ah in Al-Shabaab ay kordhiyaan weerarada ay geystaan bisha barakeysan ee Ramadaan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaarisay ciidamo ka shaqeeya ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip