Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo Laga Soo Saaray War-Murtiyeed -Akhriso

0
Wednesday May 16, 2018 - 18:22:10 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo Laga Soo Saaray War-Murtiyeed -Akhriso

    Shirkii Madaxda dowlad goboleedyada uga socday magaalada Baydhabo ayaa la soo gabagabeeyay, kaasoo laga soo saaray war.murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Madaxda dowlad goboleedyada uga socday magaalada Baydhabo ayaa la soo gabagabeeyay, kaasoo laga soo saaray war.murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Shirkan oo ahaa kii labaad oo ay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa golaha waxay kaga hadleen arrimaha amniga, siyaasadda federaaleynta iyo arrimo kale.

Golaha waxay walaac ka muujiyeen dagaalka ka socda Tukaraq oo ay sheegeen in Ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen, isla markaana ah ka mid ah deegaanada Puntland, wuxuu goluhu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo.

Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedyada waxay dowladda federaalka ku dhaliileen fulin la’aanta Qorshihii Amniga, sidoo kale aan wali la dhaqan qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhacay 10-kii bishii February ee ku saabsanaa dhismaha Ciidamada Booliska Daraawiishta dowlad goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay walaac ka muujiyeen xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna tilmaameen in loo arko in dowladda dhinac la safatay khilaafka dalalka Khaliijka.

Hadaba hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhammeytiran




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip