Axmed Madoobe "Dowladdu Waxay Aad Mashquul ugu Tahay Doorashada 2020 -DAAWO

0
Tuesday May 15, 2018 - 10:45:41 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe "Dowladdu Waxay Aad Mashquul ugu Tahay Doorashada 2020 -DAAWO

    Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xilligan mashquul ku tahay arrimo aan aheyn howshii laga sugayay inay wax ka qabato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay xilligan mashquul ku tahay arrimo aan aheyn howshii laga sugayay inay wax ka qabato.


Khudbad uu ka jeediyay shirkii Madaxda dowlad goboleedyada uga furmay Baydhabo ayaa sheegay in illaa iyo hadda aanay dowladda u diyaar garoobin qorshihii amniga dalka loogala wareegi lahaa AMISOM, isla markaana la diyaariyo ciidan Soomaaliyeed.

"Waxaa aad loogu mashquulsan yahay doorashada 2020, cida imaaneyso, qaabkii doorashada u dhici laheyd iyo wadadii loo mari lahaa, doorashada 2020 wax badan ayaa ka horeeya oo la rabo in la qabto”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay in waxyaabaha horyaala ee u dhaxeeya in la qabto 2016 iyo 2020 inay xaqiijiso wax ka qabashadeeda iyo hirgelinteeda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sidoo kale hada laga fikirayo sidii Aqalka Sare madaxdooda loo ridi lahaa, maamul goboleedyada qaarna hoggaanadooda meesha looga saari lahaa, taasna aanay aheyn mid wax dhiseysa.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in dowladda ku mashquulsan yahay baraha bulshada iyo Facebook, wax ka sheegida madaxda qaar sida uu yiri.

Halkan hoose ka daawo khudbadii Axmed Madoobe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip