Puntland oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Dib uga Qarxay Deegaanka Tukaraq -AKHRISO

0
Tuesday May 15, 2018 - 10:00:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Dib uga Qarxay Deegaanka Tukaraq -AKHRISO

    Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu masuul ka tahay dagaalka saakay dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxa ayna puntland sheegtay in ciidanka Somaliland saakay mar kale weerar kusoo qaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu masuul ka tahay dagaalka saakay dib uga qarxay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxa ayna puntland sheegtay in ciidanka Somaliland saakay mar kale weerar kusoo qaadeen.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ciidamada Somaliland duulaan kusoo qaadeen ciidankooda jooga difaaca, waxa uuna sheegay in ay iska difaaceen weerarkaasi.

Qoraal sidoo kale saakay kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay in Somaliland ay hurineyso colaada ka aloosan gobolka Sool, waxaana qoraalkan Puntland ku sheegtay in gardarada lagu hayo iska difacai doono.


Somaliland ayaa 8dii January weerar kusoo qaaday deegaano ka tirsanaa Puntland iyadoo uu booqasho ku joogay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaama wali la maqlayo rasaas teel teel ah oo ay isku adeegsnayaan labada dhinac.


Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip