Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada oo Maalintii Labaad Ka Socda Baydhabo.

0
Tuesday May 15, 2018 - 07:51:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada oo Maalintii Labaad Ka Socda Baydhabo.

    Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maalinkii labaad ka socda shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maalinkii labaad ka socda shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay iyo xubno kale.

Shirkan ayaa waxaa shalay lagu lafa guray arrimo badan oo khuseeya xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay qireen in dowladda dhexe ay diidan tahay nidaamka federaalka, maanta ayaa la filayaa inay madaxda soo saaraan qodobo ay isku raacsan yihiin.
 
Qodobadda ugu waa weyn ee Shirka looga hadlaayo waxaa ka mid ah amniga, sidii ururka Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay heystaan, qeybsiga kheyraadka dalka iyo sidii wax iyaga ay isku waafaqsan yihiin ay ula hortagi lahaayeen dowladda federaalka.


Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka uu ka socdo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Xiriirka qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, kadib markii ay isku khilaafeen go’aanka dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka qaar ka mid ah dalalka carabta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip