Shirkad Amni Gaar Loo Leeyahay oo Lagu Wareejiyay Xerada Jen. Gordon -Akhriso

0
Tuesday May 15, 2018 - 07:33:32 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Amni Gaar Loo Leeyahay oo Lagu Wareejiyay Xerada Jen. Gordon -Akhriso

    Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa u fasaxday shirkad gaar loo leeyahay inay la wareegto tababarida iyo dhammaan howlaha lagu qabto dugsiga tababarka Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa u fasaxday shirkad gaar loo leeyahay inay la wareegto tababarida iyo dhammaan howlaha lagu qabto dugsiga tababarka Jen. Gordon oo ay hore u maamuli jirtay dowladda Imaaraadka Carabta.


Imaaraadka Carabta ayaa bishii la soo dhaafay gebi ahaanba joojiyay howshii tababarka xeradaas, iyagoo wixii qalab milateri iyo tababarayaashooda kala baxay xerada.

Nuqul ka mid ah heshiiska ay Taliska Ciidanka xoogga dalka ay la gaartay shirkad magaceeda la yiraahdo Red Four Security Group Somalia (RSG) ayaa shirkadda loogu oggolaaday inay la wareegto dugsiga tababarka Jen. Gordon gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo Lojistikada.

"Waxaan oggolaanay in shirkadda RSG ay la wareegto tababarida, sahay siinta, gaadiidka iyo guud ahaanba maareynta dugsiga tababarka Gen Gordon.”ayaa lagu yiri qoraalka uu ku saxiixnaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/llaahi Cali Caanood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shirkaddan gaarka loo leeyahay ee qaabilsan arrimaha Amniga ay Madax sare ka yihiin Saraakiil Mareykan calooshood u shaqeystayaal ah oo horay uga tirsanaa Ciidamada Mareykanka.

Ciidamadii uu horay u tababaray Imaaraadka Carabta ee ku jira Xerada Jen. Gordon ayaa wixii hadda ka dambeeya waxaa howshooda la wareegaya shirkaddan Amni ee lagu magacaabo RSG

Halkan hoose ka akhriso nuqulka heshiiska Shirkadda RSG loogu wareejiyay Xerada Jen. Gordon




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip