Guddoomiye Yariisoow oo Xarigga Ka Jaray Qayb Ka Mid Ah Isbitaalka Deyniile -Sawirro

0
Monday May 14, 2018 - 18:40:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Yariisoow oo Xarigga Ka Jaray Qayb Ka Mid Ah Isbitaalka Deyniile -Sawirro

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan {Eng Yariisow} iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xariga ugu jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Deyniile ee Gobolka Benaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan {Eng Yariisow} iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xariga ugu jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Deyniile ee Gobolka Benaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Sollar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka, waxaana looga maarmi doonaa ciladaha Matoorada iyo shidaalkii ku bixi jiray.

Dowlada Norwey ayaa gacan ka geysatay maalgelinta mashruucan lagu kordhiyey isbitaalka dayniile.

Munaasabada xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabdullaahi Xaashi, Xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka gacanta ku haya Isbitaalka Guud ee Deyniile iyo Masuuliyiin kale.
















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip