Madaxda Dalka oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Danjire Cabdirixiin Caabi Faarax.

0
Monday May 14, 2018 - 18:12:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Dalka oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Danjire Cabdirixiin Caabi Faarax.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Danjire C/rixiin Caabi Faaraxoo ku geeriyooday xalay dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Danjire C/rixiin Caabi Faaraxoo ku geeriyooday xalay dalka Mareekanka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo Marxuumka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

"Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Danjire C/rixiin Caabi Faarax oo ku geeriyoday Mareekanka. ilaahay ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum C/rixiin Caabi Faarax Caabi waxaa lagu xasuustaa kaalintii diblomaasiyadeed uu ka ciyaaray sidii Soomaaliya ay u samaysan lahayd saaxiibo badan oo saameyn ku dhex leh Qaramada Midoobay iyo caalamkaba.



Dhanka Kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Qaramadda Midoobay Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraynkanka.

"Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoona ku dedaali jiray in ay mar kale Soomaaliya dawladnimadeedii ku soo laabato.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

C/Raxiin Caabbi Faarax waxaa uu ahaa danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey intii u dhaxeysay 1965 ilaa 1972dii,waxaa uu sidoo kale soo noqday danjiraha Soomaaliya ee Adis ababa Itoobiya intii u dhaxeysay 1961dii ilaa 1965tii.

Waxaa kale oo uu soo noqday wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta intii u dhaxeysay 1979kii ilaa 1990kii,xilal kale duwan waxaa uu ka soo qabtay dowladdii Rayidka iyo tii Milatariga sidoo kalena waxaa uu xilal ka qabtay Qaramada Midoobey.

Waxaa uu ku geeriyooday da’da 99 jir,waxaana uu dhashay Sanadkii 1919kii,waxaa uu ku dhashay Magaalada Barry Gobolka Wales ee Boqortooyada UK.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip