Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo Ka Furmay Baydhabo -Sawirro

0
Monday May 14, 2018 - 12:09:27 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka oo Ka Furmay Baydhabo -Sawirro

    Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shirkii labaad ee Madaxda dowlad goboleedyada ee la baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Shirka ayaa waxaa si rasmi u furay oo Martida ku soo dhoweeyay Baydhabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in furitaanka shirka uu bilowgiisa hore yahay khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana kaddib la guda geli doonaa shirar gaar oo albaabada u xiran yahay.

Guddi farsamo oo ka kala socda dowlad goboleedyada ayaa u fadhiya diyaarinta war murtiyeedka laga soo saarayo shirka iyo qodobada ay sida gaarka ah u taabanayaan.

Shirka labaad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo mar kale uu dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, iyadoo la xusuusto shirkii u horeeyay ee Golahan lagu aas aasay ee ka dhacay Kismaayo uu taagnaa xiisadii u dhaxeysay Galmudug iyo dowladda Federaalka, haatan ay muuqat xiisad cusub oo u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip