Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Baydhabo -Sawirro

0
Sunday May 13, 2018 - 19:01:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Waare oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Baydhabo -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa u yimid Magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa u yimid Magaalada Baydhabo ka qeyb galka Shir Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo ka dhacaya magaalada Baydhabo, iyadoo shirkaasi looga hadlayo arrimo ay ka midyihiin ammaanka iyo horumarinta dowlad Goboleedyada Dalka ka jira.


Soo dhoweyn kaddib ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ku soo dhoweeyo Magaalada Beydhabo, Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu sheegay ujeedada uu u yimid Baydhabo in ay tahay Wax dan u ah dalka oo ay ugu muhiimsantahay Amniga Dowlad Goboleedyada, iyo sidii iskaashi uu u dhexmari lahaa.

Magaalada Beydhabo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ka furmo shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada dalka ka jira, iyadoo ay ka qeybgalayaan dhamaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Wafdi ay hogaaminayaan.













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip