Shirweynaha Qaran ee Dib u Eegista Dastuurka oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho.

0
Sunday May 13, 2018 - 06:41:27 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Qaran ee Dib u Eegista Dastuurka oo Maanta Ka Furmaya Muqdisho.

    Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galayaan illaa saddex boqol oo Ergo ka socota Bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galayaan illaa saddex boqol oo Ergo ka socota Bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.


Shirkan oo maanta oo ku beegan 13 bisha May furmi doono ayaa socon doona illaa 15-ka bishan waxaa diiradda lagu saari doona barnaamijka qabyo-tirka Dastuurka iyo heerarkii uu soo maray wadatashiyadii lagula soo sameeyay qeybaha bulshada deegaanada maamul goboleedyada

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiyada Dib u eegista Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa qaban qaabada shirweynahan oo dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qorshuhu yahay inuu shirka maanta uu si rasmi ah u furo.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya xubno ka socda maamul goboleedyada, inkasoo Jubbaland kaliya ay qaadacday.

Waxaa khudbado ka jeedin doona Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa ka socda dowlad goboleedyada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la doonayaa in sanadkan ay ku soo gabagabeyso barnaamijka Qabyo-tirka Dastuurka, si Dastuur loo dhan yahay dalka u yeesho, isla markaana loo qaado afti dadweyne.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip