Donald Trump iyo Kim Jong-un oo Kulankoodu Ka Dhacayo Wadanka Singapore.

0
Friday May 11, 2018 - 08:51:49 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump iyo Kim Jong-un oo Kulankoodu Ka Dhacayo Wadanka Singapore.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kulmaya wadanka Singapore 12ka Bisha June ee sanadkan sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kulmaya wadanka Singapore 12ka Bisha June ee sanadkan sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.


Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo daabacay in ay isku dayi doonaan in kulankaasi uu noqdo mid jawi nabadeed u horseeda caalamka.

Bishii March, Mr Trump ayaa caalamka ka yaabiyay ka dib markii uu aqbalay casuumaaddii uu u fidiyay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Labada hogaamiye ayaa horey isu waydaarsaday hanjabaado iyo aflagaado.

Arrintan ayaa timid ka dib wadahadalo ay yeesheen madaxda Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed.

Mr Trump ayaa taariikhda iyo goobta lagu qabanayo kulanka ku dhawaaqay saacado uun ka dib markii uu Mareykanka ku soo dhaweeyay saddex qof oo Mareykanka u dhashay oo laga soo daayay dalka Kuuriyada Waqooyi.

Siideyntooda ayaa ka dambeysay ka dib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu booqday Kuuriyada Waqooyi.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in saddexdani qof la siidaayay ayna tahay calaamad muujinaysa wanaag ka hor kulanka lagu wado in uu dhexmaro Mr Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip