Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo Maanta Shir Guddoomin Doona Kulankiisa u Horeeyay.

0
Monday May 07, 2018 - 09:51:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo Maanta Shir Guddoomin Doona Kulankiisa u Horeeyay.

    Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta markii u horeysay shir guddoomin doona kulankiisa u horeeyay, todobaad kaddib markii xilka loo doortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta markii u horeysay shir guddoomin doona kulankiisa u horeeyay, todobaad kaddib markii xilka loo doortay.


Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa xalay loo kala diray farriimo qoraaleedyo loogu sheegayo in kulanka guud ee maanta uu yeelanayo Baarlamaanka, kaasoo ajandihiisa yahay Hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Afrika, kaasoo ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Baarlamaanka ayaa maanta u bilaaban doonta waayo cusub, kaddib labadii bil ee la soo dhaafay oo uu qalalaase ku jiray, kaddib mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore Jawaari oo uu markii dambe u is casilay.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo labadiisa kuxigeen ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana kulankan loo arkayay mid bog cusub u furayay wada shaqeyn cusub oo u bilaabatay Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Maxamed Mursal oo ah nin qunyar socod ah ayaa ka mid ahaa Golihii Wasiirada, isagoo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga oo uu iska casilay, markii uu isku soo taagay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa la saadaalinayaa inuu noqon doono shaqsi isu soo dhowaansho kala dhaxeyn doono Xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Dad badan ayaa aaminsan in Guddoonka cusub ee Golaha shacabka aanu marna baajin karin mooshinada, balse arrinta ugu weyn ee laga filan karo inuu yareeyo ay tahay kala qeybsanaanta Baarlamaanka dhexdiida oo intii muddo soo jiitameysay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip