Golaha Aqalka Sare oo 50-kun oo Dollar ugu Deeqay Gurmadka Fatahaadaha.

0
Sunday May 06, 2018 - 18:36:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Aqalka Sare oo 50-kun oo Dollar ugu Deeqay Gurmadka Fatahaadaha.

    Xildhibaanada Golaha Aqalka sare oo maanta kullankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa waxay kaga hadleen Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay,iyagoona warbixin ka dhageystay Guddi ay u saareen taakuleynta dadk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare oo maanta kullankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa waxay kaga hadleen Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay,iyagoona warbixin ka dhageystay Guddi ay u saareen taakuleynta dadka ku waxyeeloobay Fatahaada.

Kullanka maanta ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenkaKoowaad  ee Aqalka sare  Abshir Maxamed Axmed ” Bukhaari”,waxayna Xildhibaanada Aqalka sare 50-kun oo doolar ugu deeqeen Gurmadka Fatahaada Hirshabeelle,iyagoona guddi u diraya gobolada Hiiraan iyo Gedo.

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer,Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Aqalka sare,guddoomiyana u ah Guddiga Gurmadka Fatahaada oo ka hadlay kullanka ayaa sheegay iney xiriiro la sameeyeen madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyagoo ka xog wareystay halka ay mareyso Xaaladda dadka ay saameynta ku yeelatay Fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ay ka kla sameeyeen magaalada Baladweyne iyo deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Sidoo kale,qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa bogaadiyay qaabka uu u socdo howlaha gurmadka Fatahaada,waxayna ku baaqeen in la sii laba jibaaro dadaalada loogu gurmanayo dadka dhibaatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo Jubba.

Ugu danbeynt,waxaa kullanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed ” Bukhaari”.isagoona sheegay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato gurmadka socdo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip