Duqa Muqdisho oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Nololeed ee Dadka Barakacayaasha -Sawirro

0
Saturday May 05, 2018 - 18:40:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo Walaac Ka Muujiyay Xaaladda Nololeed ee Dadka Barakacayaasha -Sawirro

    Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Caasimadda, gaar ahaan degmada Kaxda, iyadoo la ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xeryaha dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla duleedka Caasimadda, gaar ahaan degmada Kaxda, iyadoo la gaarsiiyey deeqo kala duwan.

Duqa Muqdisho oo walaac ka muujiyeen xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda waqtigan lagu jiro xili roobaadka.

Guddoomiyuhu ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada nolosha barakacayaasha, iyadoo xoogga la saari doono sidii ay ku heli lahaayeen gurmad ballaaran, maadaama dhowaan ay bilaabanayso bisha barakaysan ee Ramadan.


"Waxaa halkan ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, dadkuna waxay u baahan yihiin gurmad ka ballaaran midka aan maanta gaarsiinay si wax looga qabto xaaladooda, Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse maanta waxaan indhaheena ku aragnaa in weli gacan qabasho u baahan yihiin dadka nugul”.Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Kormeerkan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku-xigeenkiisa dhinaca Arrimaha bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip