RW Kheyre oo uu Wehliyo Wasiirka Ganacsiga oo Turkiga Kulan Kula Qaatay Ganacsato Soomaali Ah -Sawirro

0
Saturday May 05, 2018 - 09:51:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Kheyre oo uu Wehliyo Wasiirka Ganacsiga oo Turkiga Kulan Kula Qaatay Ganacsato Soomaali Ah -Sawirro

    Kulanka ayaa ahaa mid looga wada hadlayay qaabka ugu wanaagsan ee Ganacsatada Soomaliyeed uga qeyb-gali lahaayeen shirka maalgashiga Somali-Turkey Forum ee sannadlaha ah oo lagu wado in uu ka dhaco Dalkaasi iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa ahaa mid looga wada hadlayay qaabka ugu wanaagsan ee Ganacsatada Soomaliyeed uga qeyb-gali lahaayeen shirka maalgashiga Somali-Turkey Forum ee sannadlaha ah oo lagu wado in uu ka dhaco Dalkaasi iyo waxyaabaha lagu soo bandhigayo.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirkiisa Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dhageystay isbaddellada Ganacsi ee ay doonayaan Ganacsatada iyo hormarada laga sameeyay Arrintaasi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Ganacstada Soomaaliyeed bixinta Canshuuraha iyo ka qeyb-galka Tubta horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warsahadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tilmaamay in Ganacsatadu ay Laf-dhabar u yihiin horumarka Soomaaliya ka jira, wasaarad ahaanna ay xil gaar ah iska saarayaan isku xirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, qeybna uu ka yahay shirka Somali-Turkey Forum ee Istanbul ka dhacay.


Dhanka kale Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu amaanay Sida Hormarka leh ee ay mar waliba isugu howshaan Isbadalada Ganacsi iyadoo ay Ganacsatadu ku ammaaneen Xukuumadda juhdiga ay galineyso horumarinta Dhaqaalaha dalka oo uu sal u yahay Ganacsiga iyo Maalgashiga waxa ay codsadeen in lagu gacan siiyo sidii ay dalka u keeni lahaayeen shirkado badan oo dhanka Hirgelinta Maalgashiga iyo isdhaafsiga Ganacsiyada kala duwan ka shaqeeya, si loo iibgeeyo suuqa Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay doorka wasaaradda Ganacsiga iyo isbaddelka muuqda ee mudada kooban la gaaray, waxa uu dhiirageliyey in si xowli ah loo ballaariyo Suuq-geynta fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi ee Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey in Ganacsatadu ay si weyn uga qeyb-qaataan gurmadka gobollada ay saameyeen Fatahaadaha, una rajeeyey in ay Ganacsiga Soomaaliya la tartan siiyaan dunida horumartay.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip