Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Yeeshay Xulka Qaranka ee Da'doodu Ka Yar Tahay 17-ka Sano -Sawirro

0
Thursday May 03, 2018 - 19:47:50 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Yeeshay Xulka Qaranka ee Da'doodu Ka Yar Tahay 17-ka Sano -Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay Guddiga Ciyaaraha Qaranka, Macalimiinta, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahannada Qaranka Soomaaliyeed ee da'doodu ka yartahay 17 sano.


Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee heer Qaran, daadaalka ay muujiyeen iyo sida ay caalamka ugu soo bandhigeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lahaan karaan saaxada tartannada heer qaaradeed.

"Annaga waxa ay noo xisaabsan tahay in aad guuleysateen, sababtoo ah waxaad ka soo guuleysateen intaas oo dal, idinkoo dalkiinnu uu soo kabanayo ayaad ka badiseen dowlado badan oo aan bur bur ku dhicin, dowladahaas oo sannadadii aan bur burka ku jirnay iyagu soo dhismayey.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka iyo shaqaalha Wasaaradda Cayaaraha, dhallinyarada iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen da’yarta heer Qaran iyo guud ahaan cayaaraha dalka.

Xulka Da’yarta Qaranka ee U-17ka ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Koobka Qaaradda Afrika ee 17-jirrada oo saddex bilood kaddib fumi doona.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip