Madaxweyne Kenyatta "Soomaaliya Waxaa Dhibaato Ku Haaya Dad Ajaaniib Ah"

0
Thursday May 03, 2018 - 06:54:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kenyatta "Soomaaliya Waxaa Dhibaato Ku Haaya Dad Ajaaniib Ah"

    Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qudba uu u jeediyay shacabka dalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaliya isagoo sheegay in dad aan u dhalan wadanka Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qudba uu u jeediyay shacabka dalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaliya isagoo sheegay in dad aan u dhalan wadanka Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan.


Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in gobolka uusan ammaan noqoneyn illaa dalka Soomaaliya uu noqdo dal xasiloon.

"Gobolku ma aha nabad,Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajnabi ah kuwaasoo wiiqa dowlada isla markaana kala qeybiya shacabka Soomaaliyeed,waxayna halis ku yihiin kuwaas in dib loo celiyo guulaha ay gaareen AMISOM.”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo aan carabka ku dhufan dadka ajaaniibta ah ee dhibka ku haya dowlada Soomaliyeed.

Madaxweynaha Kenya ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan kaalmada ay dowladiisku ka geysanayaan xasilinta dalka Soomaaliya illaa dalka Soomaaliya ay dowladeedu noqoto mid awood leh.

"Walaalaheena Soomaaliyeed haddii horumar gaaraan annagana waa horumaraynaa, haddii ay amni helaan annagana waan heleynaa, waa siyaasadeena in aan ka caawino sidii ay u heli lahaayeen nabada iyo barwaaqada ay caanka ku ahaayeen.”ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha dalka Kenya oo qudbadiisa ka jeedinayay baarlamaanka dalkiisa ayaa waxaa uu sidoo kale ugaga hadlay xaaladaha ka jira gudaha dalka Kenya iyo caalamkaba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip