Madaxweyne Gaas oo Maanta La Kulmaya Saraakiil Ka Socota Imaaraadka Carabta.

0
Monday April 16, 2018 - 09:56:59 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 88
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Gaas oo Maanta La Kulmaya Saraakiil Ka Socota Imaaraadka Carabta.

    Saraakiil ka socota dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii soo gaaray Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib ka bixitaankoodii Saraakiishooda tababarayaasha ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka socota dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii soo gaaray Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib ka bixitaankoodii Saraakiishooda tababarayaasha ahaa.


Saraakiishaan ayaa Wararku waxa ay sheegayaan in ay la kulmi doonaan madaxweynaha Dowladda Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas,iyaga oo kala hadli doona khilaafka DFS iyo Imaaraadka Carabta oo sababtay in saraakiishii tababarayaasha Imaaraadka ay ka baxaan Boosaaso.


Sabtidii ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweyne Gaas uu la kulmo Saraakiisha Imaaraadka ka socota basle uu aaday Xafladii Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beel Daaje.


Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Madaxweyne Gaas iyo Saraakiisha Imaaraadka ay ku kulmi doonaan Xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso,iyada oo xalay Madaxweyne Gaas uu dib ugu soo laabtay Boosaaso.



14-kii Bishaan ayaa Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa mudo Saacado ah ku xayirnaa Diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraad ah oo doonayay in ay Boosaaso ka baxaan wallow markii dambe la fasaxay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip