Madaxweyne Farmaajo oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Sacuudiga -Sawirro

0
Saturday April 14, 2018 - 17:05:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Sacuudiga -Sawirro

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa ka degay Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaasoo uu ka furmi doono Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa ka degay Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaasoo uu ka furmi doono Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha Magaalada Damaam amiirka Gobolka Bari ee Sacuudiga Sucuud Bin Naa’if Ibn C/casiis iyo ku xigeenkiisa oo uu wehliyay Xogyaha guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Gheyd.

Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

"Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo Khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu kulamo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip