Qarax Miino Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah-faahino Ka Soo Baxaya.

0
Thursday April 12, 2018 - 19:11:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Miino Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah-faahino Ka Soo Baxaya.

    Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino uu galabta ka dhacay gudaha degmadaasi, kaasoo dhaliyey khasaare kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in qarax Miino uu galabta ka dhacay gudaha degmadaasi, kaasoo dhaliyey khasaare kala duwan.

Qaraxan ayaa nuuciisa ahaa Miino dhulka lagu aaso, waxaana uu qabsaday Gaari DYNA ah oo wadada marayay, kaasoo ay saarnaayeen dad safar ah, sida ay sheegeen saraaakiisha Hay’adaha ammaanka.

Dadka degaanka ayaa Maamulka degmada Kaxda iyo Saraakiisha ammaanka ku wargeliyay in wadada ay ku aasan tahay Miino, balse inta saraakiisha ay ku guda jireen xirista wadooyinka ayay marqura Miinada la qaraxday Gaariga wadada marayay.

Guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda Sakariye C/llaahi Cilmi oo Qaraxan uu waaxdiisa ka dhacay ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa laba qof oo ka mid ah dad safar ah oo saarnaa gaariga qaraxa uu qabsaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay ku daba jiraan raggii falkan ka dambeeyay oo uu sheegay inay a tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip