Ra'iisul Wasaaraha UK Theresa May oo Maraykanka Ku Taageertay Duulaan Ka Dhan Ah Siiriya.

0
Thursday April 12, 2018 - 09:11:22 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha UK Theresa May oo Maraykanka Ku Taageertay Duulaan Ka Dhan Ah Siiriya.

    Ra'iisul wasaaraha UK, Theresa May ayaa maanta oo khamiis ah Golaheeda Wasiirada hordhigi doonta qorshe la xariira duulaan ka dhan ah dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad oo lagu eedeenayo in ciidamadiisa hubka kimikalka ku xasuuqeen shacabka maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha UK, Theresa May ayaa maanta oo khamiis ah Golaheeda Wasiirada hordhigi doonta qorshe la xariira duulaan ka dhan ah dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad oo lagu eedeenayo in ciidamadiisa hubka kimikalka ku xasuuqeen shacabka magaalada Douma ee wadankaasi.

Tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tareysa hanjabaada kasoo yeeraysa dalalka Reer Galbeedka oo sheegay in ciidamada Bashar Al Assad ay hubka kimikalka u adeegsadeen shacabka ku xaniban magaalada Douma oo ku taal duleedka caasimada Siiriya ee Dimishiq, deegaankaasi oo ay go’adoon geliyeen militariga Siiriya oo gacan ka helaya Ruushka.

Maraykanka iyo Faransiiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegay inay qaadi doonaan tilaabo militari iyadoona hada ay ku biirtay dowlada UK oo iyaduna la sheegay inay maraakiibteeda dagaalka usoo dirtay badda wadanka Siiriya.

Donald Trump oo sii wada hanjabaada ka dhanka ah Siiriya, ayaa sheegay in Gantaalada Maraykanka ay gaari doonaan Siiriya, isagoona sheegay inuu digniin u dirayo Ruushka oo xulafo la ah Xukuumada Bashar Al Assad.

Dowlada Ruushka ayaa iyadu dhankeeda ku sheegtay khiyaano ay soo maleegeen reer Galbeedka weerarka kimikalka oo ay sheegeen inuu ka dhacay magaalada Douma, waxayna dhankooda ku doodayaan in weerarkaasi aysan geysan dowlada Bashar balse ay ka danbeeyaan kooxaha mucaaridka oo gacan ka helaya reer Galbeedka oo weerarkan u adeegsanaya inay ku duulaan wadanka Siiriya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip