Shirka Wadatashiga Warfaafinta Soomaaliya oo Ka Furmay Magaalada Garowe -Sawirro

0
Wednesday April 11, 2018 - 18:35:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Wadatashiga Warfaafinta Soomaaliya oo Ka Furmay Magaalada Garowe -Sawirro

    Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar oo si rasmi ah u daahfuray shirka wadatashiga wasaaradda warfaafinta Dowladda Faderalka Soomaaliya,kuwa maamul goboleedyada & warbaahinta Madaxa banaan ee soomaaliya,waxaana uu u ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng, Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar oo si rasmi ah u daahfuray shirka wadatashiga wasaaradda warfaafinta Dowladda Faderalka Soomaaliya,kuwa maamul goboleedyada & warbaahinta Madaxa banaan ee soomaaliya,waxaana uu u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaraddaha oo uu sheegay inay hindiseen shirkan oo ah mid wax weyn ka badelaya xiriirkii iyo wadashaqayntii Dowladda Faderalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynekuxigeenku waxaa uu usoo jeediyey madaxda faderalka in ka shaqeeyaan sidii loo midayn lahaa nidaamka isgaarsiinta ,isla markaana si guud looga wada faaiidaysto adeegyada lagu tayeynayo warbaahinta dowladda iyo tan gaarka loo leeyahay,waxaa uu tilmaamay in ay muhiimtahay in kor loo qaado aqoonta iyo tababarada warfidiyeenka.

 

Kusimaha wasiirka warfaafinta Dowladda Faderalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Iidaan oo ka hadlay ahmiyadda uu shirkaani leeyahay waxaa uu sheegay in shirkaan laga filayo in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah xoojinta midnimada iyo xiriirka bahda warfaafinta ee ka yimi goobaha kala duwan ee dalka ,iyadoo ay ugu muhiimsantahay dhismaha gudiga wacyigelinta bulshada soomaaliyeed oo jadwalka manta laga doodayo ku jira.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabelle Cabdiweli Maxamed Cabdi waxaa uu yiri shirkan waxaa uu si gaar ah uga turjumayaa sida loo hagaajinkaro isdhexgalka Dowladda,Bulshada iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan waxaa uu yiri shirkaan qodobada aynu kaga hadlayno midba mid waa ka muhiimsanyahay iyaga aynu ku dulshaqayno,waxaa kaloo uu xusay in warbaahinta soomaaliyeed ay kaalin mugle kaga jirto horumarka iyo midnimada bulshada isla markaana looga fadhiyo ka qaybqadashadda barnaamijyada sare loogu qaadayo nabadgelyada dalka.

Wasiirkuxigeenka Warfaafinta Galmudug Cabdiraxmaan Jaamac oo isna hadalka lagu soo dhaweeyey waxaa uu yiri waxaa ummada soomaaliyeed lagu hagaajin karaa midnimadeeda inaynu iskaashi dhab ah la nimaano masuuliyiin ahaan,Galmudugna waxan balan qadaynaa inan qaybtayada qadano.


Wasiirka Warfaafinta Koonfur-galbeed Ugaas Xasan Cabdi waxaa uu yiri Aniga waa markii iigu horeysay Garoowe iyo Puntland waxan aad ugu faraxsanahay imaanshaha inaan shirkaan kasoo qaybgalo waayo waxan intaan Garowe arkay martigelintii Puntland lagu sheegi jiray" Martidu waxaa la yiri waxay leedahay fadhi mumin iyo iyo fiiro munafaq”,waxan kale oo idiin sheegaya ka qaybgalayashiina soomaaliya waa faderal qolo walbana waxaa saran masuuliyad ah in ay qataan kaalinta kaga adan.

Shirkaan oo ah shirkii labaad ee ay yeeshaan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya kuwa Maamul goboleedyada iyo warbaahinta madaxa banaan waxaa uu socondoona mudo 5cisho waxaana laga filayaa in uu kasoo baxo is afgarad iyo xiriir wadashaqayneed.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip