Marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Qardho -SAWIRRO

0
Friday April 06, 2018 - 19:03:10 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxuum Eng. Abshir Muuse Saciid oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Qardho -SAWIRRO

    Alaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Qardho aas qaran loogu sameeyay marxuum Abshir muuse saciid oo ku geeriyooday magaalada London 1 bishii 4aad ee sanadkaan, gelinkii hore ee maanta ayay dayuuradii siday maydka marxuum Abshir soo caga dhigata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Qardho aas qaran loogu sameeyay marxuum Abshir muuse saciid oo ku geeriyooday magaalada London 1 bishii 4aad ee sanadkaan, gelinkii hore ee maanta ayay dayuuradii siday maydka marxuum Abshir soo caga dhigatay garoonka diyaarada ee magaalada Qardho, Qaar ka mid ciidamada difaaca Puntland ee sida gaarka ah u tababaran ayaa maydka marxuumka kasoo dajiyay diyaaradii lagu waday iyagoo ku wareejiyay gaari Ambulance ah oo goobta ku diyaarsanaa, waxaana loosoo gudbiyay qabuuraha Xaaji aadan iyadoo boqolaal baabuur ah ay galbinayaaan.

Madaxweynaha Puntland Abdiweli Maxamed Cali ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, xubno ka socda baarlamanka puntland iyo kan federaalka, golaha wasiirada Puntland, Isimada dhaqanka puntland iyo Boqolaal ka mida qaybaha kala duwan ee bulshada oo isaga yimi dalka gudahiisa iyo dibadiisa ayaa ka qayb qaatay salaada Janaasada.

Gudoomiyaha Degmada Qardho iyo Gudoomiyaha Gobolka karkaar oo ugu horayn goobta ka hadlay waxay u mahadceliyeen dhamaan dadkii soo ajiibay janaasada marxuum Abshir Muuse Saciid waxayna ugu baaqeen in la cafiyo.

Boqor burhaan Boqor Muuse, Islaan Ciise Islaam Maxamed , Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam, Beeldaaje Cali Faarax, Islaan Burtinle iyo qaar kamida odayaasha dhaqanka puntland oo kelmado kala duwan kasoo jeediyay goobta waxay ilaah uga baryeen marxuum Abshir Muuse in uu janatul fardawsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo waxay qireen in uu dawrk fiican kasoo qaatay aasaaskii Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar Iyo gudoomiyaha baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi waxay tilmaameen in Abshir uu ahaa nin waxbadan usoo qabtay dadka soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland taariikhduna ay xusi doonto.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gabagabadii aaska ka hadlay waxaa uu sheegay in dawladu ay goaansatay in loogu magacdaro garoonka diyaaradaha degmada Qardho Marxuum Abshir Muuse Saciid.

Alaha u naxariistee Marxuun Abshir Muuse Saciid ayaa kasoo shaqeeyay dawladii dhexe ee soomaaliya sidoo kalena waxaa uu ka mid aasaasayaashii dawlad goboleedka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip