Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowaldda federaalka oo Ku Dagaalamay Muqdisho.

0
Wednesday March 21, 2018 - 18:49:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowaldda federaalka oo Ku Dagaalamay Muqdisho.

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya iska hor imaad culus oo maanta barqadii ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta ee NISA iyo ciidanka uu tababaray Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya iska hor imaad culus oo maanta barqadii ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta ee NISA iyo ciidanka uu tababaray Imaaraadka Carabta.
Iska hor imaadka ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu saameeyay xaafado ka fog halka lagu dagaalamay oo ay gaartay rasaasta culus oo ka dhacay qoriga dhashiikaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhashay wado u xirneyd Ciidanka uu tababaro Imaaraadka Carabta oo ku dhow Isgoyska Tarabuunka, iyadoo muran ay dhex martay Ciidanka Xasilinta oo isku dayay inay xoog ku gudbaan.

Intaas kaddib ayaa la sheegay in labada dhinac ay is rasaaseyn ka dhex bilaabatay, kaasoo ku faafay xaafadaha degmada Hodan, iyadoo ku dhowaad muddo 30 daqiiqo ay is rasaaseynta socotay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in illaa afar ruux oo labo ka mid ah ay rayid yihiin ku dhinteen, halka kuwa kale ay ahaayeen askar, waxaana la soo warinayaa in khasaaraha intaa ka badan yahay, maadaama rasaasta ka dhacday qoryaha ku rakiban baabuurta dagaalka ay gaartay xaafado fog.

Ciidamada uu tababaray Imaaraadka carabta ayaa la wareegay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee Ciidamada Xasilinta, waxaana ay la aadeen xero ay ku leeyihiin agagaarka Tarabuunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip