Mooshinkii Jawaari oo Bur-buray Kaddib Markii Ay Xildhibaano Dhowr Ah Ka Laabteen

0
Wednesday March 14, 2018 - 17:23:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mooshinkii Jawaari oo Bur-buray Kaddib Markii Ay Xildhibaano Dhowr Ah Ka Laabteen

    Warar goor dhow aan ka helnay Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu guuldareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay mooshin kalsooni kala noqosho ka geeyeen Guddoomiye Jawaari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar goor dhow aan ka helnay Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya inuu guuldareystay isku daygii Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay mooshin kalsooni kala noqosho ka geeyeen Guddoomiye Jawaari.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo ay ayaa Xaqiijinaya inuu jabay mooshinka Jawaari, kaddib markii uu dhameystirmi waayay tiradii loogu tala galay in mooshin ka geyso Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ah 3/1 (seddex meel hal meelood).

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ay ku soo aruureen Xildhibaanada, sidaas darteedna loo baahnaa in 92 Xildhibaan.

Inkastoo Guddiga Joogtada aanu wali soo saarin wax go’aan ah, hadana waxaa wali kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa, waxaana la sheegayaa in goor dhow laga soo saari doono go’aan.

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda, sida Xukuumadda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip