Wararkii ugu Dambeeyay Mooshinka Jawaari iyo Guddiga Joogtada oo kulan Deg-deg Leh

0
Wednesday March 14, 2018 - 16:56:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Dambeeyay Mooshinka Jawaari iyo Guddiga Joogtada oo kulan Deg-deg Leh

    Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa saacadaha soo socda kulan degdeg ah ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo uga hadlaya xaaladaha soo kordhay, kaddib mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari oo saaka loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa saacadaha soo socda kulan degdeg ah ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa, iyagoo uga hadlaya xaaladaha soo kordhay, kaddib mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari oo saaka loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudeey.

Kulanka Guddiga Joogtada ayaa la sheegay in looga hadli doono sida laga yeelayo Mooshinka laga keenay Jawaari, waxaana Guddiga ka arrinsan doonaa in mooshinka loo gudbayo Baarlamaanka iyo in kale, iyadoo ay u baahan tahay in marka hore uu isku raaco.

Warar laga helayo Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu kulamo la leeyahay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Jawaari uu wajahayaa xaalad go’doon ah marka loo eego mooshinka laga gudbiyo iyo eedeymaha loo jeediyay.

Sidoo kale Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed iyo mooshinka, iyadoo Xildhibaanada horboodaya Mooshinka ay yihiin kuwo ku xiran xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale waxaa iyana isa soo taraya mooshin kale oo la sheegayo in laga wado Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in xilliga Mooshinkan ku soo aaday ay tahay xilli xasaasi ah, iyadoo maalin ka horna Xildhibaanada Golaha shacabka ay ansixiyeen Xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World, isla markaana lagu laayay dhamaan heshiisyadii ay gashay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip