Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada Federaalka oo Kala Saxiixday Heshiis -Sawirro

0
Tuesday March 13, 2018 - 20:29:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada Federaalka oo Kala Saxiixday Heshiis -Sawirro

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayaan dadaallada horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee gobolka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo gacan ku heynta iskuulka 15-ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Banaadir xiigii Kacaankii haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey.

"Iskuulkan waxa uu ka mid ahaa goobihii ku tilmaamnaa waxbarashada asasaasiga oo haatan aan ku dadaaleyno sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn, gaar ahaan in aan soo celinno fursadaha waxbarashada bilaashka ah ee tacliinta asaasiga.”

Eng.Yariisow waxa uu sheegay in la qorsheynayey in sannad dugsiyeedkan lagu bilaabo furitaanka dugsiga 15ka May 60 arday oo kaliya, balse muddada saddexda todobaad ah ee uu furanyahay la diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 600 oo arday, taas oo ka tarjumeysa baahida loo qabo dib u soo nooleynta tacliinta bilaashka ah ee ay ku tiirsanyihiin qooysaska danyarta ah.

Guddoomiyaha waxa uu uga mahad celiyey dawladda Masar kaalinta ay ka qaadatay dib u furitaanka dugsigan, isagoona ugu baaqay in ay soo kordhiyaan tirada macallimiinta haatan wax ka dhiga dugsigan si loo buuxiyo baahida ay sababtay tirada ardayda dheeraadka ah ee la diiwaan geliyey.

Heshiiskan waxaa Maamulka Gobolka Banaadir u saxiixay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed halka Wasaaradda Waxbarashadana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Cali, iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow), Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda iyo Danjire Ku Xigeenka Safaaradda dalka Masar ee Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip