Wasaaradda Amniga oo uga Digtay Ganacsatada Muqdisho inay Qaataan Amarada Al-Shabaab

0
Tuesday March 13, 2018 - 16:48:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Amniga oo uga Digtay Ganacsatada Muqdisho inay Qaataan Amarada Al-Shabaab

    Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa uga digay Ganacsatada Muqdisho inay qaataan amarada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa uga digay Ganacsatada Muqdisho inay qaataan amarada Al-Shabaab.

C/casiis Xildhibaan oo maanta Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay la socdaan Ganacsatada Qaar oo Al-Shabaab siiya lacago.

Waxaa uu sheegay inay hayaan liiska Ganacsato Soomaaliyeed oo uu tilmaamay inay lacago siiyaan Shabaabka, isagoo ugu hanjabay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu faray Milkiilayaasha Garoomada yar yar ee lagu ciyaaro kubadda cagta in aysan amarka Al-Shabaab ku xiri karin garoomada.

"Waxaan ugu baaqaynaa Milkiilayaasha Garoomada Salaxa in aysan amarka Shabaab ku xiri karin garoomada, Al-Shabaab kama taliso magaalada Muqdisho”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Al-Shabaab ayaa dhowaan amaro ku soo rogay garoomada salaxa ee ku yaalla degmooyinka, waxaana la sheegay in qaarkood ay fuliyeen amarka, isla markaana xireen.

Ganacsatada Muqdisho ayaa ku jahwareersan amarada iska soo horjeeda ee dowladda iyo Al-Shabaab ku soo rogaan, iyadoo ay jiraan Ganacsato looga yeero deegaanka Tooratoorow oo la siiyo awaamiir la xiriira bixinta lacagaha loo yaqaano Zakawaadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip