Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo Guddi u Saaray Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

0
Tuesday March 13, 2018 - 16:19:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo Guddi u Saaray Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

    Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isku raacay Guddi loo saaray dhacdadii lagu weeraray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore 2017.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isku raacay Guddi loo saaray dhacdadii lagu weeraray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore 2017.

Kulan Xildhibaanada Aqalka sare xilligan uga socda Xaruntooda ayaa waxaa khudbad looga dhageystay Cabdi Qeybdiid falkii lagu weeraray gurigiisa, isagoo sheegay in aanu ku qanacsaneyn Guddigii uu Madaxweynaha u saaray, sidaas darteed uu doonayo in Guddi u saaro Aqalka sare.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in gurigiisa loo weeraray tuhun la xiriira in ninkii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe ee 14kii October.

Intaas kaddib Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ka dooday kiiskaas, waxaana qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha, si wax looga weydiiyo, halka kuwa kale ay dalbadeen in Guddi u saaro Aqalka Sare.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa labada soo jeedin ee ka timid Xildhibaanada cod u qaaday, waxaana inta ugu badan ee Xildhibaanada u codeysay in Guddi loo saaro kiiska Cabdi Qeybdiid.

Illaa 23 Xildhibaan ayaa u codeysay in Guddi loo saaro kiiskaas, halka 4 Xildhibaan ay u codeysay in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa shir ka leh arrinta Dekeda Berbera iyo shirkadda DP World oo shalay xeer uu soo saaray Golaha Shacabka dalka looga mamnuicay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip